Somali

ACodso Fasaxa Qoyska iyo Caafimaadka ee Mushaarka lagu qaato ee Washington

Si aad u hesho adeegyada caawimaada luuqada, wac 833-717-2273 oo dooro dookha 7, kadibna dookha 2. Khabiirka Daryeelka Macmiilka ayaa ku jawaabi doona Ingiriis. U sheeg luuqada aad ku hadasho, kadibna wuxuu ku gelinayaa istaambeey intuu kugu xiraayo turjumaan khadka ku jira.

Waxaa jiro laba nooc oo fasaxa mushaarka laguq aato ah oo ay heli karaa inta badan shaqaalaha ku nool Washington:

Fasaxa Sababaha Caafimaad: Marka xaalad daran oo caafimaad ay kaa hor istaagto inaad shaqayso. (Qaliin, ku nasashada sariirta intaad uurka leedahay, kasoo kabashada umulida ama daawaynta xalaad caafimaad oo xun.)

Fasaxa Arimaha Qoyska la xariira (ayna ku jiraan Fasaxa Guurka iyo Fasaxa Xubinta Qoyska ee Milatariga kamid ah)

  • Si aad u waqti fasax ah ugu qaadato daryeelida qof ehelkaaga oo xanuun daran qaba,
  • Si aad xariir waalidnimo ula samayso ilmo yar oo qoyskaaga kusoo kordhay, AMA:
  • Fasaxa qofka ehelka ah oo ciidanka ka tirsan ayaa kuu sahlaaya inaad waqti la qaadato ehelkaaga u baxaaya dibada wadanka ama kasoo laabanaaya shaqada ciidanka.

Si aad xaq ugu yeelato, waxaa qasab ah inaad shaqaynaysay 820 saacadood sanadkii lasoo dhaafay.

Dhammaan saacadaha aad Washington ka shaqaynaysay ayaa la xisaabinayaa, xataa haddii aad shaqooyin badan ka shaqaysay ama shirkada kaladuwan u shaqaysay.

Hanaanka codsiga

1. U sheeg shirkada aad u shaqayso

2. Aruuri dukumiintiyada

  • Cadaynta aqoonsiga Ka fiiri dhammaan dukumiintiyada la aqbali karo barta paidleave.wa.gov/get-ready-to-apply. Uma baahnid lambarka Social Security si aad fasaxa u codsato.
  • Markaad codsanayso fasax la xariira sabab caafimaad, ama fasax la xariira arimaha qoyska si aad u daryeesho qof qoyska kamid ah oo xanuunsan, keen MID kamid ah kuwaan:
    • Foomka Cadaynta Jiritaanka Xanuunka Daran, oo uu buuxshay dhakhtarkaaga/daryeelaha caafimaadka.
      AMA:
    • Foomka Sharciga Fasaxa Caafimaadka Qoyska
      AMA:
    • Cadaynta dhakhtarka oo sheegaysa xog la mid ah tan ku qoran Foomka Cadaynta Jirintaanka Xanuun Daran.
  • Si aad u codsato fasaxa qofka qoyska ka mid ah ciidanka qalabka sida, waxaa jira sababo badan oo u qalma fasaxa dadka ciidanka ka tirsan, marka dukumiintiyada cadaynta u ah sheegashadaada ayaa kala duwanaan doona. Waxaan u baahan doonaa dukumiintiyo kasoo baxay milatariga ama waax kale oo muujinaysa inaad fasaxa u qaadanayso sabab la xariirta qof ciidanka ka tirsan oo ku cad FMLA.
  • Fasaxa qoyska ee loo qaato in xariir lala sameeyo ilmo kusoo kordhay qoyskaaga labada waalid ba waxay adeegsan karaan foomka Shahaadada Dhalashada. Soo degso foomamka.
  • Si aad fasax ugu qaadato xariir la samaynta ilmo qoyska kusoo biiray oo aysan dhalin ama qoysku xanaanayn doono, waxaad adeegsan kartaa dukumiintiyada maxkamada ee muujinaaya inaad tahay daryeelaha ilmaha, inaad leedahay masuuliyadiisa waalidnimada ama masuuliyada ilmaha. Soo degso foomamka.

3. Codso fasaxa KADIB markay dhacdo arin fasax u qalanta, sida qaliin, inaad umusho, ama aad fasax u qaadato daryeelida qof ehelkaa ah oo xanuun xun qaba.

Soo degso aalada

4. Kala soo bax macluumaad dheeri ah sheegashooyinka toddobaadlaha ah.

Kala Soo bax

Waqti intee le’eg ayaan haystaa?

  • Ilaa 12 asbuuc oo fasaxa caafimaadka ah.
  • Ilaa 16 asbuuc oo ah fasaxa caafimaadka iyo kan qoyska oo la isku daray haddii aad haysato wax ka badan hal dhacdo oo u qalanta fasax isla sanadka codsiga.
  • Ilaa 18 asbuuc oo ah fasaxa caafimaadka iyo kan qoyska oo la isku daray haddii aad qabto xanuun caafimaad oo xun intaad uurka leedahay.

Shirkada aad u shaqayso lagama doonaayo inay shaqada kuu ilaaliso haddii:

  • Ay shirkada u shaqeeyaan wax ka yar 50 qof
  • Aad shirkada u shaqaynaysay wax ka yar sanad
  • Aad u shaqaynaysay wax ka yar 1,250 saacadood shirkada sanadkii lasoo dhaafay